Waxsoosaarku waa da'daalka amaba shaqada ugu muhiimsan ee aadamuhu qabto waayo waxaa ku xidhan nolasha iyo wixii lagu noolaan lahaa. Taariikh ahaan aadamuhu wuxuu soo maray heerar kala duwan marka laga eegayo dhinac wax soosaarka; xiligii qadhaabsiga iyo ugaadhsiga, xiligii degida iyo deegaamaynta iyo wakhtigii waxsoosaarka haba ku koobnaado quudashada oo kaliye.
Wixii ka dambeeyey dhalashadii warshadaha, waxay aduunyadu u guurtay waxsoosaarka heer ganacsi noqday (extensive commercial agriculture) si looga karo quudashada oo kaliya loona, iyadoo sidoo kale lagu ladhayey in in ka badan 7 bilyan oo qof adagtahay in la quudiyo hadaan horumarkaa la sameyn. Si hadaba loo rumeeyo amaba loo gaadho yoolka ganacsiga waxaa lasameeyey tab kasta oo waxsoosaarku ku noqon karo mid kaafiya baahida wadamada xaaladahoodu kala duwanyahay iyo dadyowgooda. Markaa waxaa bilaabmay isticmaalka kiimiko, baabiinta dhul kaymeed malaayiin hectar ah iyadoo ay horseeday inuu wax badan iska bedelay qaab dhismeedkii iyo cimileedkii dhulka (natural landscape and micro/macro-climate). Iyadoo la tix raacayo waxna laga baadhayo taasi, ayaa waxaa la xaqiijiyey in waxsoosaarku uu saameyn ku leeyahay deegaanka sidoo kalena door weyn ka qaato doorsoonka cimilada iyadoo lagu soo koobay qodobadan soo socda:
1. In 𝟮𝟲% Neefaha cagaaran (GHGs) ay soo saaraan ficilaadka waxsoosaarka. Iyadoo marka tiradan boqolay loo qaado ay 74% ay soosaaraan waxyabaha aan cuntada ahayn sida qiiqaha mishiinada iyo daawooyinka iyadoo lagu qiyaasay xadiga Kaarboon labo ogsaydhka (CO2) inuu yahay 38.7 bilyan tones sanadkasta. Halka 26% ay soosaaraan hadhaaga cuntada xumaatay (waste food) taasi oo lagu qiyaasay 13.7 bilyan tones oo Kaarboon labo ogsaydh ah. Waa la garan karaa siday door weyn u yeelanayso doorsoonka cimilada
2. In 𝟱𝟬% dhulkii aduunyada ku haboona kaymo, meelaha biyo fadhiisadka ah iyo hoyga noolaha kala duwan uu isku bedelay dhul beerasho (agriculture) iyadoo xadiga dhulkan lagu qiyaasay 51 milyan Kilometer iskuweer. Sidoo kale waxsoosaarka ayey weheliyaan magaalaynta. Tani ayaa sameyn weyn ku yeelanaysa deegaanka duleed (physical) iyo kan cimileedba (climatical).
3. Isticmaalka xad dhaafka ah ee biyaha la cabi karo ama nadiifta (fresh and clean water) oo in ka badan 𝟳𝟬% lagu isticmaalo waxsoosaarka halka 19% iyo 11% loo isticmaalo warshadaha iyo nolasha caadiga ah (household) si is xigta. Isticmaalka xad dhaafka ah ee biyaha nadiifta aha ayaa sababi karta hoos u dhaca kaydka biyaha nadiifta ah (fresh water depletion) tani oo iyaduna dedejinaysa doorsoonka cimilada iyo baaba deegaanka.
4. Isticmaalka waxyaabaha lagu nafaqeeyo beeraha (Eutrophication) oo sababaya dikhaynta biyo fadhiisanka dabiiciga. In ka 𝟳𝟴% dikhaynta biyaha waxay ka yimaadaan ficilaadka waxsoosaarka halka 22% kale ka imanayaa ficilada kale oo laysku geeyey. Waxaa is weydiin mudan sideebay u dikhaynayaa biyaha? Markasta oo nafaqadu ku badato biyaha waxaa badanaya cayayaanka biyaha ku dhex nool kaasi oo sababaya inuu wado isticmaalo Ogsajiintii ka dibna biyaha uu kusoo daayo kaarboon, taasina waxay bedelaysaa badqabkii biyaha waxaana ka dhalanaaya wax badan oo aan lamahadin.
5. 𝟵𝟰% wuxuu waxsoosaarku sababayaa isbedelka iyo baaba' ku dhaca kala duwaanshaha nolaaha kuwada nool gayiga (Biodiversity) tani oo badi ay keenayso/sababayso in waxsoosaarka dhinaca xoolaha gaar ahaana Lo'da iyo wixii la halmaala ay sababaan xaalufka iyo ka qayb noqoshada doorsoonka cimilada.
Gebo-gabadii muxuu noqon karaa xalka iyo tala soo jeedintuba? Xalku waa mid labo dhinac ka imanaya kuwaasi oo kala;
1. Derdergalinta siyaasadaha ku wajahan waxsoosaarka ee heer wadan iyo heer caalamba.
2. Hirgalinta aqoonta isku dhafan ee is waafajinaysa deegaanka iyo waxsoosaarka (agro-environmental model).
Iyadoo midkastaaba u baahantahay faahfaahin iyo waadixin.


